Skip to content

Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya oo ka jawaabay Eedeynta dhawaan uga timid Maxamuud Tarsan

Storyline:Archive, Science & Tech

Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa jawaab ka bixiyay eedeyn uu dhawaan usoo jeediyay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Mr Tarsan ayaa Wasiirka ku eedeeyay in Xiligii uu ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka Xukuumadii Saacid uu lunsaday gaadiid Ampalaas Nuuca aan xabadaha karin oo loogu deeqay Maamulka Gobolka Banaadir.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in ay jiraan ilaa 7-Gaari oo Nuuca aan xabaduhu karin ay kala wareegeen maamulka Gobolka Banaadir , waxa uuna tilmaamay in arintaasi ay ka dhalatay cabsi la xariirta in Baabuurtaasi uu gacanta u galo kooxaha Cadawga ah .

”Golaha Wasiirada ayaa go’aan ka gaaray Baabuurta aan xabadaha karin een Maamulka kala wareegnay , waxaana laga cabsaday in gacanta maamulka ka baxo oo gacanta u galo kooxaha nabad diidka ah kadibna kusoo weeraraan xarumaha Dowlada , Askari ilaalada ah gaariga gacan kuma isaajin karo xabadna ma karto marka cabsidaa ayaa keentay in gaadiidkaasi kala wareegno gobolka si aan loogu weerarin xarumaha Dowlada hadii ay gacanta ka baxaan ” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa xusay in gaadiidkaasi hada hayaan uuna gacanta ugu jiro Hay’adaha amaanka oo lagu wareejiyay , waxa uuna tilmaamay in aysan jirin wax musuq maasuq iyo gaadiid la lunsaday balse xaalado amaan gaadiidkaasi ula wareegeen.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xili Dhawaan Tarsan uu Shaaciyay in Wasiirka Arimaha Gudaha ay kumaqan tahay ilaan7-gaari oo nuuca aan xabaduhu karin kuwaa oon wali la ogeyn halka ay ku dambeeyeen.