Skip to content

Wasiirka Arimaha Gudaha oo Sheegay Hadal niyada ka jabiyay Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho

Storyline:Archive, Science & Tech

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa shaaca la qaaday in Magaalada Muqdisho ay mar kale wajaheyso colaad cusub oo kaga imaanaysa Dagaalyahanada Hubeesan ee Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Magaalada Muqdisho mudooyinkii dambe ay kusoo qul qulayeen sida uu tilmaamay Dagaalyahano tiro badan katirsan Al-Shabaab kuwaa oo ka imaanayay qaar kamid ah Gobolada Dalka.

” Magaalada Muqdisho colaad hor leh ay maleegayaan Cadawga ayaa kusoo fool leh , waxaa loo baahan yahay in si wada jir ah looga hortago , yaan la isku buuqin , yaan laga faa’iideesan dul duleeka jira ee si wada jir ah aan uga hortagno cadawga Shabaab ee Muqdisho kusoo qul qulaya ” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha.

C/llaahi Goodax Barre ayaa xusay Al-Shabaab in ay waayeen meelo badan ay dhaqaalo ka heli jireen hadana ay bilaabeen in ay kusoo yaacaan Magaalada Muqdisho , waxa uuna shacabka Magaalada dagan ugu baaqay in ay feejignaadaan lana shaqeeyaan Dowlada.

”Shacabka ha feejignaadaan oo hala shaqeeyaan Dowlada ‘ hasoo sheegaan cadawga waa codsi ka yimid Xukuumada , hadaan la iskaashan cadawga waa adkaaneysaa in laga adkaado , ma rabno in shacabka mar kale qaxaan ee si wada jir ah cadowga halooga soo horjeesto ” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa noqonaya mid ay siweyn uga niyad jabeen Shacabka Magaalada Muqdisho oo filayay in amaanka Magaalada Dowlada wax badan ka qaban doonto.