Skip to content

Wasiirrada maamulka Jubba oo la dhameystiray

Muddo kaddib waxaa la dhameystiray wasiirrada maamulka Jubba oo horrey qeyb ka mid ah loo magacaabay,waxaana la dhaariyey shalay oo Jimco ahaayd dhammaanba wasiirrada maamulka Jubba kuwa la magacaabay iyo kuwi horrey u jiray.

Munaasabad ballaaran oo shalay ka dhacday magaalada Kismaayo,gaar ahaan xarunta madaxtooyada ee maamulka Jubba,ayaa lugu magaacay wasiirrada kuwii horana lugu dhaariyey.

Madaxda sare ee maamulka Jubba,Odayaal,siyaasiyin,waxgarad,dhallinyaro,haween iyo qeybaha bulshada ayaa soo xaadiray munaasabada ka dhacday xarunta madaxtooyada ee wasiirrada lugu dhaariyey kuwii dhimaanana lugu soo magacaabay.

Magacaabista wasiirrada cusub waxaa lugu sheegay inay ku timid digreeto ka soo baxday madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe,waxaana ay kala yihiin wasiirrada lamagacaabay oo ah laba wasiirr ah Ibraahim Xassan Cabdi oo loo magacaabay wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka, iyo Maxamaed Cabdi Mohamed (Jowhar) oo isna loo magacaabay wasiirka garsoorka iyo arimaha diinta.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,oo ah madaxweyne ku-xigeenka koobad ee maamulka Jubba,ayaa sheegay hadal uu munaasabada ka jeediyey in isku imaatinkooda uu la xiriiro magacaabist wasiirro cusub iyo dhaarinta wasiirradii hore.

Xubanaha xilkooda loo dhaariyey waxaa ka mid ahaa madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka Jubba Suldaan C/qaadir Lugadheere ,dhaar tiisa kaddib hadal uu jeediyey waxaa uu ku soo qaaday inay muhiim tahay isbadal uu la yimaado maamulka Jubba,waxaana uu inta ku daray in shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka ay la shaqeeyaan maamulka, isagoo xusay in aysan iyagu waxba qaban Karin haddii ayan helin taageerada shacabka.

Magacaabista labadaan wasiir waxaa ay imaanaysa xilli , 7 bishii decmber ee sannadkii hore madaxweyne Axmed Madoobe uu magacaabay 8 wasiir iyo madaxweyne ku-xigeynka 2aad, waxaana marka la isku wada darro tirada golaha wasiirada maamulka Jubba ay noqonayaan 10 wasiir.

Dhinaca kale magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa si weyn looga dareemaya qaban-qaabada caleemo sarka madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),waxaana qorshaha uu yahay in munaasabada caleemo sarka ay dhacdo 20-ka bishan,sida uu horrey u sheegay afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar.