Skip to content

Xasan Sh: Askari ka tirsan DF Somalia oo aan mushaar qaadan ma jirro

Storyline:Archive, Science & Tech

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay shaaciyay ciidamada dowladda in joogto mushaarka loo siiyo, wuxuuna beeniyay wararka sheegaya in ciidamada dowladda mushaar la siin.
Wuxuu wararkaas ku tilmaamay kuwa dacaayado ah oo lagu wax yeeleenaayo hey’addaha ammaanka dowladda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in askari kasta oo ciidanka dowladda ka tirsan in bishii la siiyo 100 dollar oo mushaar ah iyo 60 dollar oo ah Garaamka raashiinkiisa.
“Mushaarka ciidamada joogta ayaa loo bixiyaa, waxaana la siiyaa askari kasta oo ka tirsan ciidanka 160 dollar oo ay ku jiraan 60 garaam oo ah raashin, markii horre garaamka wuxuu ahaa 30 garaam”ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qiray in mararka qaar ay lacagta soo daahdo, gaar ahaan kuwa beesha caalamka laga keeno, laakin lacagta dowladda ay bixiso in joogto loo siiyo ciidamada oo waliba qaab casri ah oo Elctorinc lagu bixiyo, “oo qofka Profile-kiisa ayaa la hayaa” ayuu yiri.
Madaxweynaha wuxuu ka hadlay ciidamo la sheegay in la rukhseeyay iyagoona shaqeenaya.
Wuxuu Xasan Sheekh, madaxweynaha Soomaaliya ku celceliyay in aanu jirin ciidan la rukhseeyay. Isagoona tirada ciidamada la ceyriyay ay gaareyso 709-askari kuwaasoo uu sheegay in aanu shaqo u heynin dowladda.
“Ma ahan meesha hey’ad samafal, waa in askariga uu uu yahay mid dagaal ku jirra iyo mid caawinaya, wixii intaas ka soo hara ciidan nooma ah”
Waxaa jirta ayuu yiri ciidamo howlgab ah oo muddo dheer ciidanka ku jiray ama kuwa ku curyaabay dagaallada lagula jirro caddowga, kuwaas wuxuu sheegay in la dhahay, iska nasta mushaarkiinana soo doonta marka ay bisha dhammaatay” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ka hadlay warbixin hordhac ay u soo saareen guddiga dabagalka cunaqabteenta hubka ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in warbixintas ay warbaahinta uun ka maqleen isla markaana ay hordhac tahay.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in UN Monitoring Group ay la shaqeeyeen markii ay yimaadeen magaaalda Muqdisho iyo goobaha kale ay rabeen in ay xogta ka soo aruursadaan, isagoona intaas ku daray in wafdi ay u diri doonaan golaha ammaanka QM marka la hor geeyo warbixinta guddigan.