Skip to content

Xildhibaano Shaaca ka qaaday Caqabada adag ee ka heesata Ra’izul Wasaare Cabdi Wali in uu soo Magacaabo Golaha Wasiirada

Storyline:Archive, Science & Tech

Xildhibaan Maxamuud Axmed Kuleylihi oo ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa ku eedeeyey koox diimeedka Damujadiid ee uu lagu xanto inuu ka tirsan yahay madaxweynaha dalka iney caqabad ku noqdeen dhismaha golaha cusub ee wasiirada Somalia.

Kuleylihi ayaa hadalkan ka hor jeediyey fadhigii shalay ee Baarlamanka xili uu ka qeyb qaadanayey dood ku saabsaneyd codsi uu soo jeediyey raisul wasaaraha Somalia ahaa in 10 cisho loogu daro xiligii uu baarlamanku u qabtay inuu ku soo magacaabo dhismaha golaha xukuumada cusub.

“Xukuumada cusub wey soo daahday in la dhiso, waxaana faraha kula jira oo laga dhisi la’ yahay macalimiinta waaweyn ee kooxda Damu-jadiid oo dhibaato xoogan ku haya raisul wasaaraha cusub” ayuu yiri xildhibaan kuleylihii oo hadaladiisu aad u kululaayeen.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo isna ka mid ahaa xubnaha ka hadlay kulanka ayaa sheegay in raisul wasaaraha shaqadiisa lagu hayo carqalad xoogan, haddii xitaa bil loogu darana uusan magacaabi karin golihiisa wasiirada inta faragelinta lagu hayo.

Damu-jadiid waa koox diimeed ka go’day Ururka Al-Islaax waxaana lagu xantaa iney xubno ka yihiin qaar ka mid ah madaxda dowlada sida madaxweynaha,ku-simaha wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ,kii madaxtooyada iyo xubno kale.