Skip to content

Yaa Xaq u leh Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub Ra’izul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ?!!

Storyline:Archive, Science & Tech

Beryahaan waxaad warbaahinta ka maqleeysa ee waxa la isku heysta Magacaabiista Golaha Wasiiradda hase yeeshe haddii ay taas jirto waa war aan lagu farxin iyo dadnimo xumo heysata Dowladda soomaaliya oo dhan.

Tusaale Haddii lugu magaacaabo Ra’iisal Wasaare waxaad xaq u leedahay in aad keensato Gole wasiiro ah oo aad soo xulatey laakin haddii ay noqoto mid adiga lugu soo xuley waxaad noqoneeysa qof aan Xukumin Golihiisa wasiiradda.

Madaxweynaha ama Golaha Baarlamaanka ama cid kale shaqo kuma laha magacaabiista Golaha wasiirada waxaa loo baahan yahay in Ra’iisal Wasaaraha u noqdo Qof Xor ah isla markaana Qofku Doono ayuu soo Xulan kara Golihiisa Wasiirada.

Mudooyinkii dambe xukuumadii lasoo dhisayay waxyaabahA qilaafka iyo dib u dhaca ku keenay ayaa ahaa in Wasiirada lasoo dhiso ay yihiin kuwa nin jeleesi lagu keeno diiyaarna u aheyn wax qabad iyo Soomaalinimo.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Culeeska hada ka jira in lasoo Magacaabo Golaha Wasiirada in ay ka taagan tahay dhinaca Madaxweynaha oo doonaya liis uu wato in lagu daro golaha Wasiirada taasina uu kabiyo diidsan yahay Ra’izul Wasaaraha.

Madaxweyne kasta oo hadla waxa uu sheegaa in Ra’izul Wasaaraha uu isagu xaq u leeyahay in uu soo dhiso golaha Wasiirada hadana waxaa dhacda in hadalkaasi uusan laabta jirin oo la fara galiyo Ra’izul Wasaaraha laguna qasbo dad aysan is fahmeyn.

Haddaba Aniga waxaan kula talin laha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed haddii ay Wasiiradda noqdan kuwa la isku heysto magacaabistooda waxan dhihi laha HA IS CASILO maxaa yeeley sharaf kuma ahan in Cid kale ay kula Maamusho Magacaabiista Golaha Wasiiradda.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed waxaad tahay Ra’ iisal Wasaare Soomaaliyeed ee waa in ad leedahay Go,aan adag iyo Hoggaamin Fiican tan kale Shacabka Soomaaliyeed way ku sugayaan.