U bood dhigaalka

Enjineerkii Soo Hindisay “Like” Facebook oo Farriin Digniin ah oo Dhanka Baraha Bulshada u Gudbiyay Dunida

JustinRosenstein oo ahaa engineer-kii soo hindisay baton-ka “awesome”sanadkii 2007, ayaa hadda waxa uu ka cabsi qabaa saameynta taban ee dhanka nafta ay ku yeelanayaan Apps-ka kala duwan ee laga adeegsado daafaha dunida.

Sida jariidada The Guardian ay qortay, Justin oo hadda ah 34 jir, waxaanuu aad uga walwalsan yahay baraha bulshada iyo saameyntooda taban(aan wanaagsaneyn) ee niyadda aadanaha, waxa uu diiday oo uu naftiisa ka mamnuucay inuu adeegsado Reddit iyo Snapchat  waxaanuu aad iskaga xadiday oo wakhti kooban uu siiyay adeegsiga barta Facebook.

Rosenstein waxa uu ku tilmaamay baronka “Like” ee gaarka u ah Facebook inuu yahay “Cododka ay dadku ka helaan raalli ahaanshiyo dhalanteed ah, waxaa jira barnaamijyo kala duwan oo dadku u sameeyeen arrimo niyad wanaag ah, laakiin markii dambe noqday kuwo lagu hungoobo.”, isagoo markaa tilmaamay in Like naftarkeedu aaney cirib wanaagsan yeelan doonin marka waxyaabo badan oo aad isla lahayd waa laga helayaa dadku ay la falgeli waayaan.

Daraasad la sameeyay 2016 oo ay  jariidada The Guardian  soo xigatay ayaa sheegaysa in mar kasta oo dadka qaangaarka ah ay wakhti badan ku qaataan baraha bulshada ay ka qaadaan  Depression iyo niyad jab, sidaa darteedna ay daraasaddu ka digeyso in wakhti badan lagu qaato baraha bulshada.

Barta Instagram ayaa lagu tilmaamay iney tahay tan ugu saameynta xun xagga caafimaadka caqliga ee dhalinyarada, waana sida daraasdaha qaar ay tilmaamayaan.