U bood dhigaalka

Ethiopia Iyo Djibouti oo Samaynaya Shirkad Ka Shaqaysa Adeegyada Gaadiidka

Sheeko:Dalka

 Ethiopia iyo Djibouti ayaa kala saxiixday heshiis ah in la dhiso shirkad ka shaqaysa adeegyada gaadiidka  ka dib marki dhawaan la dhameystiray waddo Tareen ee isku xirta labada dal.

Wasiirka gaadiidka ee dowladda Djibouti Axmed Shide iyo dhiggiisa Maxammed Cabdulkadir ayaa saxiixay heshiiska kadib sanad ay socdeen wada xaajoodyada ku aadan heshiiska, waxa ayna ariintani fududeen doona isku socodka lbada dal.

Shirkaddan oo xarunteedu tahay  Adis ababa, ayaa bixin doonta adeegyada xamuulka iyo adeegyada kale ee inta lagu guda jiro safarka.

Sidoo kale labada dal ayaa ku heshiiyay qaabka canshuur-qaadka,  waxaana laga yaabaa in guddiga tareenka ay go’aamiyaan in howshan ay mas’uul ka noqon doonaan wasiirada gaadiidka ee labada dal. Labada dal ayaa isku raacay bosteejo in laga sameeyo xaduudka u dhexeeya labada dal.

Qadkan oo gaaraya 758 KM ayaa waxa uu gebi ahaan ku shaqaynayaa koronto, waana qadkii tareen ee ugu horreyay ee nuucan oo kala ah  ee laga dhiso Africa. Waxa uuna isku xiri doonaa Ethiopia iyo Djibouti gaar ahaan, iyo bariga Africa guud ahaan. Qadkan tareen ayaa ka taageeri doona labada dal inuu horumaro dhaqaalahooda.

October 5, 2016, ayey ahayd markii raysal wasaaraha Ethiopia iyo madaxwaynaha Djibouti ay xariga ka jareen qadkan tareen.

Goobjoog News