U bood dhigaalka

Faah Faahi Laga Helayo Afar Ruux Oo Lagu Diley Degmada B/xaawo, Gedo

Sheeko:Dalka

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil Xalay Ciidanka ammaanka degmada B/xaawo ay u geeysteen Afar qof.

Ciidanka ayaa la sheegay in Afartaan ruux ay kala baxeen xabsi ku yaalla degmadaas, iyadoo ilaa hada aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dilka dadkaasi.

Qof kamid ah dhallinyarada dilka loo geeystay ayaa la sheegay in shalay ciidanka ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen sida dadka degaankaa ay noo xaqiijiyeen.

Maamulka degmada B/xaawo oo la xiriirnay waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dilka ciidanka ammaanka B/xaawo ay dadkaasi u geysteen.

Dadka deegaankaas ayaa sheegay in taasi ay cabsi galisay madaama dhalinyarada Afarta ah aan la ogeyn loo diley.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News