U bood dhigaalka

Faah Faahin: Al-shabaab Oo Xalay Madaafiic Ku Tuurtay deegaanka Bariire, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxya maddaafiic ku tuureen deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo Todobaadkan ay la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Mid kamid ah dadka fara ku tiriska ah ee ku haray deegaankaasi, kana gaabsaday magaciisa ayaa u sheegay Goobjoog News, iney ka war heleen Hoobiyeyaal deegaanka kusoo dhacaya.

Waxa uu sheegay in uu jiro khasaare dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah, kadib hoy ku yaalla deegaankaasi markii uu hoobiye ku dhacay, balse lama oga khasaaraha inta uu la egyahay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maamula deegaanka Bariire, waxaana Al-shabaab ay ku sugan yihiin duleedka deegaankaasi.

Inta badan shacabkii ku dhaqnaa Bariire ayaa halkaasi ka barakacay, kadib markii ay ka baqeen in deegaankooda dagaallo ay ka dhacaan.

Goobjoog News