U bood dhigaalka

Faah Faahin: Bambooyin Lagu Weeraray Madaxtooyada Hirshabelle Ee Jowhar

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo Bam oo habeenkii xalay ahaa lagu weeraray xarunta madaxtooyada maamulka Hirshabelle ee magaalada Jowhar, Xarunta Shabellaha Dhexe.

Illaa 2 Bam oo kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa la sheegay in lagu tuuray nawaaxiga madaxtooyada xilli halkaasi uu ku sugnaa madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Lama soo sheegin weli qaraxyadaasi khasaare ka dhashay, hase ahaatee qaraxyada kadib waxaa la maqlay rasaas xooggan oo ay rideen ciidamada ilaalada ka haya madaxtooyada.

Dhanka kale, ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad sugidda magaalada Jowhar ayaa saakay oo Sabti ah waxay magaaladaasi ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgallada ayaa ah mid daba socda qaraxyadii habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News