U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gedo

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen halkaasi, waxaana dagaalka uu socday ku dhowaad Labo saacadood.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhaawacantay Afar qof oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaallamay.

Maamulka degmada Baardheere iyo saraakiisha dhanka ammaanka weli kama aanay hadal dagaalka.

Al-shabaab ayaa marar badan waxay sidan oo  kale weeraro ugu qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku leeyihiin qaar kamid ah gobollada dalka.

Goobjoog News