U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Sameeyey Degmada Waaberi Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saqdhexe illaa saakay waxay howlgallo ka wadaan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan degmada Waaberi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in howlgalkaan ay ka qeybqaadanayaan ciidamada AMISOM.

Ciidanka ayaa lasoo sheegayaa in xaafadaha qaar ay dadka u diidayaan isku socodka, iyadoo ilaa hadda aanay jirin cid la sheegay in howlgalkaan lagu soo qabtay, sidoo kalena lama oga ulajeedka howlgalkaan.

Laamaha ammaanka iyo sidoo kale maamulka degmada Waaberi weli wax faah faahin ah kama aanay bixin howlgalkaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News