U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Oo Toogtay Labo Nin Oo Hoobiye Ka Tuurayey Wadajir (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay toogasho ku dileen Labo nin oo la sheegay in hoobiyeyaal ay ka tuureen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxayna saxaafadda usoo bandhigeen Meydadka Labadan nin iyo sidoo kale hubn ay wateen.

Raggan ayaa markii ay hoobiyaha tuureen waxaa la sheegay iney kusoo baxeen ciidanka dowladda, waxayna kala kulmeen iska cabin.

Ugu horreyn waxaa halkaasi ku dhintey mid kamid ah raggii Hoobiyeyaasha tuurayey, waxayna ciidanka sidoo kale iska caabin kala kulmeen midkii kale oo galay mid kamid ah guryaha ku yaalla degmada Wadajir.

Ugu dambeyn ciidamada ayaa toogtay ninkii Labaad isaga oo dagaallamaya, waxayna ciidamada gacanta ku dhigeen Labo qori Ak-47, qoriga Hoobiyaha iyo Hal xabo oo rasaasta hoobiyaha ah.

Dhanka kale intuu uu howlgalkaan socday waxaa iskiis u qarxay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen Labadan nin, waxayna saraakiisha ammaanka sheegeen in gaariga laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shacabka ay kaalin ka qaateen sidii looga hortagi lahaa raggan, waxaana dhanka kale uu bogaadin u jeediyey ciidankii howlgalkaan fuliyey.

Goobjoog News

a3 a1 a2