U bood dhigaalka

Faah Faahin: Daacish Oo Maalintii Labaad Haysata Deegaan Ka Tirsan Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Waxaa saakay dagan deegaanka Saan  ee gobolka Bari kadib markii shalay kooxo ka trisan Daacishta Soomaaliya ay si nabadgalyo ah ay kula wareegeen.

Dad goob joogayaal ayaa waxay sheegeen in kooxaha ka tirsan Daacish ay wali gacanta ku hayaan deegaankaasi, iyadoo weli wax dhibaato ah aan halkaasi laga soo sheegin.

Wariyaheena Qadro qaran ayaa soo sheegeysa in ay jiraan dad badan oo walwal ka muujiyey qabsashada kooxdan ee deegaankaasi, walow aaney jirin cid ka tirsan maamulka Puntland oo arrintaasi ka hadashay.

Deegaanka Saan ayaa kamid ah deegaannada hoosta Qandala, gobolka Bari, iyadoo marar badan sidan oo kale kooxda Daacish ay la wareegeen deegaanno hoostaga maamulka Puntland.

Dhanka kale waxaa jira magaalooyinka waaweyn ee puntland hawlgallo ay ka wadaan ciidamada ammaaanka, kuwaas oo lagu baadi goobayo dadka wada amaan darida iyo kuwa lala xiriirinayo inay gacan saar la leeyihiin ururka Daacish.

Goobjoog News