U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Degmada Jowhar Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen Koontaroolka Koonfureed ee degmada Jowhar, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Ugu yaraan 3 qof ayaa dagaalkaasi ku dhaawacantay, waxaana wararku ay sheegayaan in la isku adeegsaday rasaas xooggan.

Xaaladda guud ee halkii xalay lagu dagaallamay waa ay deggan tahay, waxaana dagaalka uu ahaa mid socdey ku dhowaad 1-saac.

Saraakiisha dowladda ciidamada dowladda Federaalka Soomaaaliya ee gobolka Shabellaha Dhexe weli wax war ah kama aaney soo saarin dagaalkaasi, balse shacabka ku dhaqan dgemada Jowhar ayaa hadal haya dagaalkii xalay dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News