U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Degmada Kaaraan Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, balse u abaabulan qaab beeleed ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Buulo-maaxaay, waxaana la sheegayaa in dhinacyadan isku hayaan lahaanshiyaha dhul halkaasi ku yaalla.

Wararku ayaa intaasi ku daraya in dagaalkii xalay uu khasaare ka dhashay, balse lama oga inta khasaaraha la egyahay.

Ciidamada xasilinta Muqdisho oo qudhooda doonayey iney xalliyaan dagaalkan soo noqnoqday ayaa la sheegay in garab kamid ah dhinacyada is haya ay rasaas kala kulmeen.

Waa markii Sadexaad oo lagu dagaallamo xaafadda Buulo-maaxaay ee degmada Kaaraan, iyadoo ciidanka dagaallamaya yihiin kuwo dowladda ka wada tirsan balse qaab qabiil u kala abaabulan.

Maamulka degmada Kaaraan weli wax war ah kama aanu soo saarin dagaalladan soo noqnoqday, iyadoo shacabkii deganaa xaafadda dagaalladan kusoo noqnoqdeen ay bilaabeen iney halkaasi isaga barakacaan.

Degmada Kaaraan ayaa kamid ahayd degmooyinka ugu amniga badan ee magaalada Muqdisho, balse dagaalladan ayaa baqdin ku beeray dadka shacabka ah.

Goobjoog News