U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Hiiraan

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanka Farlibaaax ee Hiiraan.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana ka dhashay dagaalkaasi khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyootey Labo qof, iyadoo Afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Mas’uuliyiin u hadashay maamulka Farlibaax ayaa sheegay iney dileen dagaalyahanno Al-shabaab, dhanka ciidanka dowladdana aanu khasaare soo gaarin.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal dagaalkan iyo wararka sheegaya in dagaalyahanno looga diley.

Goobjoog News