U bood dhigaalka

Faah-faahin: Dagaallo Ka Dhacay Koofurta Gobalka Sool

Sheeko:Dalka

Faafaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeeysa dagaal khasaaro nafeed geeystay oo ka dhacay koofurta Gobalka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Degaanno hoos yimaado  Saaxdheer iyo Dhumay ee Gobalkaa Sool ayaa wali waxaa ka taagan xiisado dagaal, kadib markii beelo halkaasi ku dirireen.

Dagaalka oo Axaddii ka dhacay waxaa la sheegayaa in ay ku dhinteen in ka badan 13 qof halka ay ku dhaawacmeen 11 kale, dhammaan dadkaasi waa kooxihii dagaalamayey.

Dadka ay ka soo gaareen dhaawacyada dagaalkaan ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood iyada oo dhaawacyadaas saddex qof oo ka mida ay xaaladoodu ay liidato.

Dagaalaka ka dhacay Gobolka Sool ayaa ah dagaal beeleedyo ku soo noqnoqday gobolka waxaana jira guddi nabadeyn ah oo fadhigoodu yahay magaalada Laascaanood,waxayna doonayeen in waan waan ay ka dhex bilaabaan gobolkaas oo ay ka jiraan colaado .

Dagaalkaan ayaa yimid ka dib markii roob aan badneyd uu ka da’ay koofurta gobolka Soo, iyada oo dadkii reer guuraaga ahaa ay iskugu soo guureen gobolka taasina ay sababtay inuu dhaco dagaal beeleed.

Inta badan dadka xoola dhaqatada ah ayaa waxaa ka dhex dhaca dagaallo qasaaro geesta iyagoo sababta ugu weyn ee dadkaas ay u dagaalaan ay tahay is qabqabsi ku saabsan dhanka daaqa.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada