U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Qarax Ka Dhacay Degmada Hodon Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax habeenkii xalay ahaa ka dhacay nawaaxiga Isgoyska KPP ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Wararka waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dhimatay Haweeney halkaasi ka dhaweyd, iyadoo dhaawac culusna uu kasoo gaaray gabar ay haweeneydaasi dhashay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxan lala eeganayey askar ka dhaweyd halkaasi, walow aaney jirin waxyeello soo gaartay ciidamada ammaanka ee fariisinka ku leh isgoyskaasi.

Ciidamadii ka dhowaa halka qaraxan uu ka dhacay ayaan wax rasaas ah ridin, waxaana sidoo  kale ay shacabka u ogolaadeen iney u gurmadaan dadka waxyeellada soo gaartay.

Dhanka kale illaa iyo haatan maamulka degmada Hodon iyo taliska Booliiska ee degmadaasi wax war ah kama aaney bixin qaraxan.

Goobjoog News