U bood dhigaalka

Faah Faahin: Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay S/hoose

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarado dagaal oo habeen kahor duqeyn ka geystay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose.

Diyaaradahan oo ahaa sida la sheegay kuwa qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopter ayaa duqeeyey saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin waqooyiga degmada Qoryooley.

Wararka qaar waxay sheegayaan in halkaasi ay ku geeriyoodeen in ka badan 5 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab, iyadoo dhaawacna uu jiro, balse khasaaraha guud oo faah faahsan weli war rasmi ah lagama helin.

Diyaaradahan duqeyntan geystay ayaa loo maleynayaa in laga leeyahay dalka Mareykanka, kuwaasi oo horey dhowr jeer sidan oo kale bartilmaameed uga dhigtey fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen qaar kamid ah gobollada dalka.

Dhanka Xarakada Al-shabaab weli wax war ah kama aaney soo saarin duqeyntan ka dhacday gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News