U bood dhigaalka

Faah Faahin: Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ciidamada Kenya Lagula Eegtay J/hoose

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax Miino oo ciidamada Kenya lagula eegtay deegaanka Hosingow ee gobolka Jubada Hoose.

Kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya ayaa la sheegay in lala eegtay Miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askartaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintay 5 kamid ah ciidamada Kenya, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo sidoo kale saraakiil Soomaali ah oo ciidamadaasi wehlinayey.

Waxaa jira khasaare soo gaaray ciidamada Soomaalida ee la socda kuwa Kenya, hase ahaatee lama oga inta uu la egyahay.

Saraakiisha Kenya weli kama aanay hadal qaraxan, waxaana ciidamadan markii qaraxa lala eeganayey galayeen gudaha deegaanka Hosingow, iyaga oo ka yimid dhanka Kenya.

Goobjoog News