U bood dhigaalka

Faah Faahin: Labo Askari Oo Lagu Dilay Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Rag ku hubysan Bistoolado ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ku dileen Labo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda.

Askartan ayaa markii la dilayey waxay ku sugnaayeen meel ku dhow suuqa Khaatka lagu iibiyo, waxana goobta ka baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyay.

Dad ka dhowaa halka uu dilkaan ka dhacay ayaa inoo sheegay in sidoo kale halkaasi uu ku dhaawacmay askari kale oo goobta ku sugnaa.

Maamulka degmada Afgooye kama aanu hadal dilalkaan dhacay, hase ahaatee ciidamada dowladda ayaa wada howlgallo ay arrintaan ku baarayaan.

Degmada Afgooye waxaa muddooyinkaan dambe kusoo badanayey falalka amni darada ah, iyadoo sidan oo kale degmadaasi uga dhaceen dilal.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News