U bood dhigaalka

Faah Faahin Laga Helay Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax habeenkii xalay aha aka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararku waxay sheegayaan in gaari Deyna ah, islamarkaana siday dhulx lagana soo buuxiyey walxaha qarxa uu ku qarxay meel ku dhow bar koontarool oo ciidamada ammaanka gaadiidka ku baarayeen.

Gaarigan ayaa habeen kahor ciidamada dowladda ka shakiyeen,  islamarkaana waa ay qabteen oo waxay dhigeen meel ka baxsan halka wax lagu baarayey, hase ahaatee xalay ayuu si lama filaan ah ku qarxay.

Inta la xaqiijiyey Saddex ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxan, waxaana ku dhaawacmay 8 kale, waxayna dhammaantood ahaayeen shacab halkaasi marayey.

Saraakiisha ammaanka weli faah faahinno dheeraad ah oo intaan ka baxasan kama aanay bixin qaraxan.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe aad u adkeeyay amniga guud ee magaalada Muqdisho, waxaana la baaraa gaadiidka magaalada dhex socda iyo kuwa soo galaya intaba.

Goobjoog News