U bood dhigaalka

Faah Faahin Laga Helayo Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabellaha Hoose.

Maamulka degmada Baraawe ee Shabellaha Hoose ayaa sheegay in duqeyntaan ay fuliyeen Kumaandoosta Soomaaliya oo garabsanaya ciidan ajaaniib ah, lalana eegtay saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Guddoomiyaha degmada Baraawe, Aadan Cumar Madoobe oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in  khasaare uu soo gaaray dagaalyahannada Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay in la diley dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ah kuwaasi oo ku sugnaa sida uu sheegay Afar xero ciidan.

“Waxaan haynaa xog ah in la baabi’iyey Al-shabaab badan, waxaa la duqeeyay Afar xero ciidan oo Al-shabaab dib u degeen dhowaan, waxay damiyeen taleefannada, kolley haddii ay ku jiraan dad magac leh waa la ogaan doonaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal khasaaraha kasoo gaaray duqeyntan ka dhacday Kuunyo Barow ee Shabellaha Hoose.

Marar badan diyaarado dagaal ayaa duqeyn sidan oo kale ah waxay ka fuliyeen deegaanno Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News