U bood dhigaalka

Faah Faahin Laga Helayo Shil Ka Dhacay Degmada Shibis Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Caafimaadka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helaya shil gaari oo saakay ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Gaari nooca loo yaqaano UD, islamarkaana waday shaqaale muruq maal ah oo la sheegay iney ka shaqeynayeen garoonka Aadan Cadde ayaa ku rogmaday wadada Nasiib Buundo ee degmada Shibis, kadib markii gaarigaasi bareeg laga wayey.

Inta la xaqiijiyey Labo qof oo muruq maalka kamid ah ayaa halkaasi ku dhintey, waxaana ku dhaawacmay 20 qof.

Dadka deegaanka iyo maamulka degmada Shibis ayaa u gurmaday dadkii ku waxyeeloobay shilkan, kuwaasi oo loo daabulay xarumaha caafimaadka.

Mararka qaar darawallada gadiidka ee Muqdisho ayaa si xowli ah u kaxeeya gaariga, iyadoo ay dhici karto in gariga bareeg laga waayo ama uu ku yimaado waddo mashquul ah.

Goobjoog News