U bood dhigaalka

Faah Faahin: Madaafiic Lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha Ee Baydhabo

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic habeenkii xalay ahaa lagu weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararku waxay sheegayaan in saqdii dhexe ee xalay ay shacabka maqleen jug culus, taasi oo ka dhalatay madaafiicda lagu tuuray garoonka.

Waxaa jira dhowr hoobiye oo ku dhacay meello ka baxsan garoonka, balse dhammaantood ma jiraan wax khasaare ah oo ay geysteen.

Saraakiil ka tirsan ciidanka K/galbeed oo aynu si kooban ula hadalnay waxay sheegeen in xaaladdu ay degan tahay, islamarkaana madaafiicdaasi ay meel fog kasoo tuureen Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News