U bood dhigaalka

Faah Faahin: Markab Dagaal Oo Ku Qarxay Xeebaha Caluula, Nugaal

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Caluula ee gobolka Nugaal ayaa faah faahin dheeraad ah wuxuu ka bixiyey markab la sheegay inuu yahay kuwa dagaalka ee NATO,  kaasi oo ku qarxay meel ku dhow xeebaha deegaankaasi.

Guddoomiyaha deegaankaasi Cali Shire Maxamuud Cismaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in gelinkii dambe ee shalay ay shacabka Caluula maqleen jug aad u xooggan, meesha uu ku qarxay markabkana ay qiyaas ahaan deegaankaasi u jirta 8 Meyl.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in markii uu markabkaan qarxay ay halkaasi yimaadeen Maraakiib dagaal oo badan iyo diyaarado, kuwaasi oo joogay halkaa illaa saakay waaberigii.

Guddoomiye Shire oo hadalkiisa sii watey ayaa sheegay in markii ay halkaasi u direen ciidamada badda Puntland aanay jirin wax raad ah oo ay soo arkeen, una muuqatay mid gabi ahaanba burburkiisa xitaa degay.

“Markabkaan waxaan u maleyneynaa inuu yahay kuwa NATO ee mudada joogay xeebaha dalka, gelinkii dambe shalay waxaan maqalnay jug aad u xooggan oo ku beegneyd meel 8 Meyl u jirta Caluula, waxaa meesha isugu yimid maraakiib kale iyo diyaarado illaa saakay ayeey joogeen, markii ay tageen oo aan tagnayna waan weynnay wax raad ah oo wuu wada degay markabka” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ma jirto faah faahin intaan ka badan oo laga helay markabkaan ku qarxay xeebaha Caluula.

Goobjoog News