U bood dhigaalka

Faah Faahin: Shaqaale Caafimaad Oo Lagu Afduubtay Hiiraan

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shaqaale caafimaad oo lagu afduubtay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Afduubkan oo ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ayaa loo geystay shaqaale xanaanada xoolaha ku howlanaa.

Warar ay heshay Goobjoog News, ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 ruux ay afduubteen koox hubeysan kuwaas oo ka tirsanaa ururka dhaqaatiirta xanaannada xoolaha ee gobollada dhexe.

Wariyaheena Khaalid Ilkacase oo Baladweyne inooga soo warama ayaa soo sheegaya in ilaa iyo haatan aan la ogeyn halka la geeyey shaqaalahan caafimaad, waxaana laga qafaashay deegaanka Calaacad oo qiyaastii 10-km u jira magaalada B/weyne.

Dhanka kale maamulka magaalada B/weyne iyo kan gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney wadaan dedaal ay ku ogaanayaan cidda afduubatay shaqaalahan iyo sidoo kale halka lagu qafaashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News