U bood dhigaalka

Faah Faahin: Taliyaha Booliiska Puntland Oo Dhaawacay Ku Xigeenkiisa

Sheeko:Dalka

Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday taliyaha booliska Puntland C/qadir Shire Faarax Ereg, oo isagu rasaastaasi u waday sida la sheegay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.

Xabadda haleeshay Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa uga dhacday jilibka, wararka ayaa sheegay in gacan ka hadal dhexmaray taliyaha iyo guddoomiyaha ay sababtay in taliyuhu uu bastoolad u xirnayd la baxo oo rasaas ku furo guddoomiyaha.

halkaasi waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Booliiska iyo kuxigeenkiisa, guddoomiyaha gobalka gobolka Nugaal iyo Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Puntland.

Isku dhacan ayaa ka dhacay habeenkii xalay ahaa hoteel ku yaalla magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, iyadoo halkaasi uu ka socday shir ballaaran oo amniga looga hadlayey.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay Goobjoog News ka heshay magaalada Garoowe ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne Gaas uu ammar ku bixiyey in xabsiga lasoo dhigo Labadii mas’uul ee gacan ka hadalka dhex maray.

Shacabka Puntland ayaa aad u hadal haya falkaan dhacay, waxaana la ogeyn sidey wax ku dambeyn doonaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News