U bood dhigaalka

Faah Faahin: Taliyahii Nabad Sugidda Degmada Kaxda Oo La Diley

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa rasaas ku furey gaari uu la socdey taliyahii Nabad sugidda degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho xilli uu marayey degmada Dharkeenley.

Wararka waxay sheegayaan in dhaawac halis ah oo soo gaaray Taliyaha uu ugu dambeyn u dhintey, waxaana sidoo kale rasaastaasi ku geeriyoodey qof kale oo halkaasi ka dhowaa.

Taliyaha la diley ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Qooley, iyadoo raggii weerarkaasi ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada dowladda ayaa gaaray halka falkaan uu ka dhacay, waxaana ay sameeyeen howlgallo aan natiijadooda la shaacin.

Degmada Dharkeenley waxaa kuysoo badanayey falalka amni darada ah, iyadoo sidan oo kale horey loogu diley xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News