U bood dhigaalka

Faa’idooyinka Caafimaad Oo Ay Biyahu Leeyihiin

Sheeko:Caafimaadka

Biyaha ayaa ah sheyga ugu weyn uu ka kooban yahay jirka bani’daanka, sida la ogyahay jirka ayaa ka kooban 55- 75%  biyo.

Biyaha ayaa waxay leeyihiin faa’idooyin caafimaad oo dhowr, kuwaas oo muhiim u ah jirka bani’aadanka waxaana ka mida faa’idooyinkaas.

1 . waxay yareeyaan Daalka:

Hadaad dareentid daal iyo tabar yari haddaba ogow waxaa kugu yar cabista biyaha, daalka ayaa waxa uu ka mid yahay caalamadaha ah in jirka uu biyo u baahanyahay.

2 . waxay daawo u yihiin madax xanuunka iyo goon jabka:

Baaritaanno la sameeyay ayaa waxay tilmaamayaan in biyahay ay daawo u yihiin goon jabka iyo madax xanuunka, hadduu madaxa ku xanuuno waxa ugu horreeya oo aad qaadaneyso ha noqdaan cabista biyaha.

3 . waxay  daawo u yihiin dheefshiidka :

Biyaha ayaa daawo waxay u yihiin shaqeynta habdhiska dheefshiidka, waxayna ka qeyb qaataan shiididda raashinka waxay ka hortagaan sidoo kale in ay caloosha istaagto.

4 . waxay nidaamiyaan heer kulka jirka:

Jirkaaga oo ay ku jiraan biyo badan waxay caawinee inuu deelistirmo heer kulka jirkaaga, sidoo kale waxay waxay ilaaliyaan biyaha caafimaadka murqaha iyo kala goysyada jirka.