U bood dhigaalka

Faallo: 55- Sano Xuriyadii Kadib, Soomaaliya Xor Ma Tahay?!!

Sheeko:Qormooyin

 1-da Luulyo waa maalinta Soomaaliya, maalintii midnimada ayaan abid Soomaliya ka maqli jiray, dadka waa isla dadkii, dalkuna sidoo kale waxaase is-bedelay dhedhenkii xuriyadda, waxaan hubaa in maalintaa kaliya ahayn waxa isbedelay waayo waxaa sidoo kale  soo kordhay dowlad liidata iyo Qabyaalad!

Qabyaaladdu iskuma gudbin oo kaliya horumarka dalka balse waxay bedeshay jiritaankii Soomaaliya ilaa ay noqoto Qabyaaladda Cinwaanka qofka!!.

Hadii markii hore caruurta Soomaalida loogu duceyn jiray in Ilaahay ka dhigo mid dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa anfaca, maanta waxaa loogu duceeyaa “Ilaahoow ka dhig mid qabiilkiisa, qabiilkiisa iyo qabiilkiisa Anfaca!”, maanta hadii uu jiro shakhsi magacaada iyo muuqaada yaqaano qabiilkaada wuu yaqaan!

Ma xumo taas marka loo fiiryo shakhsiga danaynaya qabiilkaada inta aanu magacaada baran!, dadka aad isku jufada tihiin xitaa markaad is aragtaan waxuu horay kaa waydiinayaa inta cidda dowladda ugu jirta, Wasiirada iyo Xildhibaanada, hadii ay jiraan Safiiro la magacaabay!, hadii aad usoo tiriso isagoo faraxsan ayuu kaa  dhagaysanayaa hadii kalse isagaa kaaga hormaraya!!

Dr. Saadaq Eenow oo wasiir caafimaad ka noqday maamulka Puntland, waa dhakhtar iyo qoraa Soomaaliyeed mar aan kula kulmay Qaahira ayuu iiga sheekeeyay kulan uu la qaatay dad Soomaali ah oo Yurub degan.

Waxaa iga yaabiyay markii uu igu yiri”waxaan dadkii kulanka kasoo qeyb galay ku iri walalayaal si aadan qabiilkayga isugu mashquulin waxaan ahay reer hebel kadib ayaan khudbadii bilaabay”! Dr Saadaq waxaa uu qabaa in Qabyaaladda Soomaalida lafaha ka gashay misana kama quusan!!

Qabyaaladdu waxay ka mid noqotay nolol maalmeedka dadka Soomalida, hadii aad soo gasho gole Soomaali ku kulansan tahay waxaad horay ka ogaan kartaa inta  Beelood  ee goobta fadhida, waayo islama fariistaan!, hadii aadan kala aqoon Qabaa’ilada Soomaalida sideyda oo kale waxyar iska samir midkood ayaa kuugu tabarucaya dhib la’aan!.

Isla dalka Masar, mar ayaan tagay Buurta Siinaa, waa buurtii Nabi Muuse(cs) ilaahay kula hadlay, Risaaladana loogu dhiibay xili ay isaga iyo ehelkiisa Fircoon ka baxsanayeen, waa goob taariikhi ah balse wuxuu ahaa safar Kun KM ah sidaa darteed waxaa loo baahday maad iyo madadaalo, waxaan gaariga dhexdiisa ku daawanay Riwaayado Soomali ah,  riwaayadahaas marka laga reebo Qabyo 2,  inta kale ma fahmin, sababtoo ah fankii waa lagu ciyaaray…ciyaar kaliya maahane waa la tirtiray!, waxaa halkaas lagu daawaday Riwaayad Hindi aan mooday balse Soomali lagu sheegay, Qiso iyo ujeedo ma leh!, heesaha micno daro iyo qaabkii Hindiya ayey isku darsadeen….maantase midaa kama hadlayo!

Dhalinyarada gaariga saarnaa ayaa soo jeediyay in laga hadlo “Xumaanta Qabyaaladda”, waa lagu waafaqay, shakhsigii Doodda ugu horeeyay ayaa afka  “May” ku hadlay, sida uu ii sheegay nin i agfadhiyay waxuu muwaadinkaas  ka hadlay in afka May-ga laga dhigo Af laga dhigo dugsiyada, Xafiisyada dowladana ku shaqeeyaan, “Maxaa Tidhi” ayaa istaagtay arintaas gaashaanka ayey ku dhufteen iyagoo sheegay in May-gu yahay Lahjad ka mid ah lahjadaha Soomalida sida Banaadiriga isla markaana aanay habooneyn in luqad qaran laga dhigo, khilaafkii waa sii fogaaday ilaa barnaamijikii la joojiyo xitaa dooddii  ku saabsaneyd Xumaanta Qabyaaladda iyadoo aan bilaaban ayey xirantay!.

Akhristoow iyadoo ay jirto dhibaatooyinkaas Qabyaaladda nagu hayso ayaan ku farxaa marka aan arko shakhsi dhibaatada ila wadaago sida Saxiibkay Liibaan oo warqad isoo diray waxaa ku qornaa “Happy 55th anniversary of Somalia’s Independence and freedom, let our hearts be one on this great day, let’s hail together, one Somalia, One Nation”.

Liibaan, aniga iyo Soomaali kaleba waxaan nahay Jabhad dagaal adag kula jirta Qabyaaladda, waxaan sidoo kale akhristoow rajeynayaa in aad jabhadeena la dagaalanka Xumaanta Qabyaaladda kusoo biirto waayo gacmo wada jirbay wax ku gooyaan.

Qoraa: Ustaad Cabdi Casiis Axmed Gurbiye

 U Gaar ah: Goobjoog News