U bood dhigaalka

Facebook Oo Soo Bandhigay Xayeysiimo Been Abuur Ah Oo Ruushka U adeegsaday Baraha Bulshada

Shirkadda Facebook ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Ruushka ay maal-galisey olole lagu baahinayey fariimo siyaasadeed kuwaas oo ka dhacay baraha bulshada ay ku xiriirto, waxayna sheegtay in fariimahaan lagu kala fogeynayey bulshada.

Facebook ayaa sheegtay in boqol kun oo doolarka Mareykanka ah uu ku bixiyey Ruushka ku dhawaad 3000 oo xayeysiin kuwaas oo socday labo sano oo ku eg ilaa bishii May ee 2017da.

Fariimahaani lagu baahiyey baraha bulshada kuwaas oo uu maalgaliyey ruushka loogana soo horjeeday doorashadii Mareykanka cidna sigaar ah looguma taageereynin, balse waxaa loogaga hadlayey mowduucyada ku saabsan Soogalootiga,Jinsiga  iyo sinaanta xuquuqda.

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in arrintaani ay la kaashan doonto khubarada Mareykanka .

Xayeysiimaha lagu baahiyey Facebook ayaa waxay gaarayeen ku dhawaad 470 xayeysiin kuwaas oo faafinayey warbixnno been abuur ah waxayna arrintaani ka soo horjeedaa adeegsiga sharuudaha Facebook.

Mas’uul ka tirsan saraakiisha amniga shirkadda Facebook ayaa sheegay in dhammaan bogagii been abuurka ahaa ee lafuray la xiray.

Goobjoog News