U bood dhigaalka

Facebook Oo Soo Kordhisay Messenger Day

Shirkadda  Facebook ayaa waxay furtay Barnaamij cusub oo lagu magaaco Messenger Day kaas oo macaamiisha u suuro galinayo inay sawirrada iyo kilipyada muuqaalada ah ay iskugu diri karaan adeegga Messenger Day .

Ugu horreyn waxa uu ubaahanyahy qofka macaamiilka ah oo isticmaalayo adeeggaan inuu haysto mobil Ismart ah . Ka dib waxa uu furayaa macaamiilka adeegga Messengerka, waxa uu furaa caarmirada moobilkiisa ka dibna waxa uu dooranaa adeegga Filter ama Imoosh .

Adeegga Messenger Day waxa uu macaamiilka usuurto galinayaa inuu gali karo sawiiro badan oo salfiyo ah ama uu iska duubi karo muuqaalo salfiyo isagoo dubaaya waxa jooga hareerihiisa ka dibna waxa uu la wadaagayaa saaxiibadiisa.

Sawiirada lagu diro adeegga Messenger Day waxay ku jirayaan adeeggaas dhaxdiisa muddo dhan 24 saas waxa uuna awooodaa macaamiilka inuu sawirrada uu u diro hal qof iyo wixii ka badan.

Goobjoog News