U bood dhigaalka

Faransiiska Oo Iskuullada Laga Mamnuucayo Telefoonnada Ismartiga Ah

Wasaaradda waxbarashada  dalka Faransiiska ayaa go’aamisay in laga mamnuuco telefoonnada Ismartiga ah Iskuullada laga bilaabo bisha September ee sanadka soo socda.

Arintaani ayaa qeyb ka ah qorshaha  ololihii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron maalmihii doorashooyinka madaxtinimada ay ka socdeen Faransiiska.

Wasiirka waxbarashada Faransiiska John Michel Blancier ayaa yiri. “Mamnuucidda Telefoonnada Ismartiga ah waxay ku dhiiri-gelin doontaa caruurta inay banaanka ku ciyaaraan xiliyada nasashada iyo qadada, sidoo kale mamnuucidda telefoonnada Ismartiga ah waxay yareeneysaa muqaalka gaboo-fallada dhanka Electroniga ah”.

John Michel Blancier ayaa intaasi ku daray “Maalinteenaan, Xilligeenaan ilmaha ma ciyaaraan xiliyada nasashada ah sidii waagii hore, dhammaantood waxay ku mashquulsanyihiin telefoonadooda,dhanka waxbarshada marka loo fiiriyo waa khalad arinkaani”.

Iskuullada dalka Faransiiska ayaa waxaa laga mamnuucayaa caruurta in gudaha fasalka ay la soo galaan telefoonnada gacanta ee la isticmaalo, balse lagama mamnuucin inay adeegsadaan waqtiyada nasashada iyo fasaxa gaaban ee u dhaxeeya xisadaha.

Caruurta laga mamnuucayo telefoonnada ayaa waxay yihiin kuwa dhigta dugsiyada hoose iyo dhexe,halka loo ogolaan doono caruurta dhigata dugsiyada sare inay isticmaalaan telefoonnada.

Goobjoog News