U bood dhigaalka

Farmaajo “Dhaqaalaha Magaca Soomaaliya Lagu Keeno Meel Gaar Ah Malahan”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo shir guddoomiyey shirka golaha wasiirada Puntland oo ay sidoo  kale ka qeybgaleen wasirro ka tirsan xukuumadda Federaalka ayaa sheegay in guud ahaan dalka u siman yahay dhaqaalaha lagu keeno magaca Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas waxa ugu horreeyo ee uu kala hadlay ahayd arrinta ku aadan dhaqaalahaasi iyo sida maamulkooda ku heli karo.

“Dhaqaalaha dalka soo gala oo magaca Soomaaliya lagu keeno kaliya malahan meel gaar ah, dhaqaalahaasi waxaa loo asteenayaa guud ahaan baahida dalka ka jirta, maxaa yeelay dadka loo adeegayo ayeey kamid yihiin, waxaan idiin sheegayaa madaxweyne C/weli wax kale igalama hadlin, 90% wadahadalkeennii waa intaasi, waxaan umadda Soomaaliyeed loo keeno annag qeybteennii aaway, baahi badan baan qabnaa, howlo badan oo horumarin ah baan u baahannahay, waxaan u baahannahay in qeybteenna halkaasi lasoo dhigo, runtii awal wax badan ma jirin, hadda waxbaa bilowday insha Allah waan soo gaarsiineynaa Puntland guud ahaan umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Axaddii shalay, madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, halkaasi oo uu kula kulmay madaxda sare ee maamulkaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Goobjoog News