U bood dhigaalka

Farmaajo: Hey’ad Qaran Ayaan U Dhiseynaa Qurbajoogta Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriayadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay shir gaar ah oo London lagu qabtay, loogana hadlayey kaalinta qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladiisa ay hey’ad qaran u dhisi doonto qurbajoogta.

Mr. Farmaajo waxaa uu qurbajoogta Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay  dalka u geliyeen hanti iyo khibrad, isaga oo ballan-qaaday in uu wax badan u fududeyn doonto.

Mar uu ka hadlayey caqabadaha heysta bulshada rayidka madaxweynaha waxaa uu sidoo kale sheegay in ay dowladda ka taageeri doonto sidii wax walba loogu fududeyn lahaa.

Khaliimta waxaa lagu wadaa in London lagu qabto shir beesha caalamka iyo dowladda go’aan uga gaari doonto geedi u socodka dalka sanadaha soo socda.

Goobjoog News