U bood dhigaalka

Farmaajo Iyo Al-bashiir Oo Ka Wada Hadlay Xiriirka Labada Dal, Amniga iyo Siyaasadda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa arbacadii waxaa uu gaaray Khartuum, daqiiqado kadib, durbada waxaa uu Farmaajo bilaabay wada hadal qoto-dheer uu la galay dhiggiisa Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, iyaga oo ka wada hadalay xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo siyaasadda.

Al-bashiir waxaa uu madaxweynaha Soomaaliya ka dhageystay arrimaha la xiriira amniga gobolka iyo sida Soomaaliya iyo dowladnimadeeda u soo noqotay, una soo hagaagayaan amniga iyo xasiloonida.

Sida uu ku waramayo Xaamid Mumtaaz oo ah wasiiru-dowlaga arrimaha dibadda Suudaan, booqashada madaxweyne Farmaajo ee Suudaan waxaa ay horseedi-doontaa in la kala saxiixdo heshiisyo ku saabsan arrimaha waxbarashada iyo beeraha.

Booqashadan oo qaadan-doonta labo maalmood ayaa sidoo kale lagu wadaa in laga wada hadlo arrimo ku saabsan dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda.

Suudaan waxaa ka mid tahay dalalka Soomaaliya ka taageera dhanka waxbarashada iyo tababarka ciidamada.

Goobjoog News