U bood dhigaalka

Farmaajo Iyo Imaaraadka: 10 Arrin Oo Madaxweynaha  Ay Tahay In Uu Kala Hadlo Imaaraadka Carabta

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi farmaajo ayaa ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, labada dhinac ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan arrimo mugdi ah oo bilihii ugu dambeeyay soo kala dhex galay xiriirka labada dal .

Toban(10) Arrin Oo Madaxweynaha  Ay Tahay In Uu Kala Hadlo Imaaraadka Carabta:

 (1): Heshiiska Saldhigga Militari Ee Airportiga Berbera:

Heshiiska ay Imaaraadka Carabta kula wareegeen Airportiga Berbera, isla markaana uga sameysanayaan saldhig militari ma aha mid laga aamusi karo.

Heshiiskan waxaa uu socon doonaa muddo 25 sano,  khubaro badan oo arrinkaas ka hadlay waxaa ay sheegayaan in heshiiskaasi uu khatar ku yahay qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

 (2): Hehiiska Somaliland iyo DP World Oo Ku Saabsan Dekadda Berbera

Waxaa jira heshiis kale oo maamulka Somaliland  ay ku wareejiyeen shirkadda DP World  in ay maamusho dekadda Berbera  muddada 30-ka sano ee soo socota.

Shirkadda DP World oo laga leedahay Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaa qarash-gareen doontaa ilaa $10 million oo qalab ah si loo dhiso dekadda, waxaa intaa dheer illaa $5 million oo Kaash ah.

Shirkaddan Imaaraadka waxaa ay gacanta ku heyn doontaa illaa 65%  dekadda halka maamulka Somaliland ay lahaan doonto ilaa 35%. DP World, shirkadda waxaa ay sheegtay in mashruucan illaa $442 million ku qarash gareyn doono iyagoo wax badan ku soo kordhin doona dekadda Berbera.  DP World wax cashuur ah lagama rabo 10-ka sano ee ugu horeysa, waxaa kaloo 50% laga cafin doonaa 5ta sano ee xigta.

Imaaraadka waa in uu ilaaliyaa  dastuurka Qaramada Midoobey iyo Jaamacadda Carabta, Imaaraadka waa in loo sheegaa haddii uu iloobo ilaalinta madax-banaanida, qarannimada iyo midnimada dhammaan umadda Soomaaliyeed.

(3) Heshiiska Puntland iyo shirkadda PCFC Ee Dekadda Boosaaso

Madaxweynaha maamulka Puntland  Cabdiweli Gaas ayaa madaxa shirkadda PCFC ku wareejiyay dekadda Boosaaso, heshiiskan waxaa 6-dii bishan dalka Imaaraadka ku kala saxiixday madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Suldaan Axmed Bin Suleyman oo ah madaxa shirkadda.

Shirkadda  P & O Ports oo lagu wareejiyay maamulka dekadda Boosaaso, waxaa ay  maamuli doonta 30-ka sano ee soo socota.

Lacagta Maalgelinta dekadda waa 336 Milyan oo dollar, Wejiga koowaad  200 Milyan ayaa ku bixi doonta  halka wejiga labaadna uu yahay 160 Milyan oo dollar. Dhismaha waxaa uu qaadanayaa 24 bil oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiska la galay.

Heshiiskaan waa mid kale oo la garab marey dowladda federaalka ah iyo qawaaniinta caalamiga ah, waa mid laga lahaa dano gaar ah, madaxweyne Farmaajo waa in uu laalaa dhammaan heshiisyada aan waddada saxda ah  loo marin.

(4) Yaa dilay Dadkeenna?

Imaaraadka Carabta waxaa ay qeyb ka yihiin xulafada uu Sacuudiga hor-kacayo ee lagu eedeeyay in ay xeebaha Yemen ku dileen 42 qof oo Qaxooti Soomaaliyeed.

Meydadkii dadkii la dilay weli lama aasin, dhaawacyadii qaab lagu soo qaado ayaa la la’yahay, waa in aan Imaaraadka ka jawaabaan cidda dishay dadkeenna, waxaa hubaal ah in ay wax badan ka og yihiin wixii dhacay.

(5) Faragelinta Imaaraadka Ee Soomaaliya:

Imaaraadka sida lagu yaqaano ma ixtiraamaan dal tabar-daran, tusaale ahaan waxaa ay faragelin baahsan ku hayaan dalalka Carabta ee ay dhibaatada  iyo dagaallada sokeeye ka jiraan  sida Yemen, Libya, Suuriya iyo Soomaaliya.

Imaaraadka oo isticmaalaya lacag waxaa uu xiriir la sameystaa mar walbo kooxaha ka soo horjeeda dowladnimada dalalkaasi, sidaa darteed madaxweyne Farmaajo waa fursad uu Abu-Dhabi ugu sheegi karo in ay faragelinta ka daayaan arrimaha Soomaaliya isla markaana ixtiraamaan madax-banaanida iyo midnimada umadda iyo dalka Soomaaliyeed.

(6) Joojinta Xiriirka Imaaraadka iyo Maamul Goboleedyada:

Madaxweyne Farmaajo waxaa muhiim ah in Imaaraadka uu kala hadlo sababta safiirkooda uu ogolaashiyo la’aan uu ula kulmo, gacansiiyo, tababaro ciidamadooda, la saxiixdo heshiisyo maamul goboleedyada Soomaaliya iyada oo aaney ogeyn dowladda federaalka ah, arrintaas oo caqabad ku ah qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.

(7) Ganacsiga iyo Dhoofinta Xoolaha:

Imaaraadka waxaa uu ka mid yahay dalalka xiriirka ganacsi lal leh Soomaaliya, inta badan ganacsiga yimaada Soomaaliya waxaa uu soo maraa Imaaraadka Carabta, sidii ganacsatada Soomaaliyeed loo saacidi lahaa, waa arrin ay tahay in laga wada hadlo.

Dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed waa dhibaato muddo heystay ganacsatada Soomaaliyeed kadib markii ay joojiyeen dalalka gacanka, Imaaraadka waxaa uu ka mid yahay 4-dal oo xoolaheena loo dhoofin jiray, in dib loo bilaabo dhoofinta xoolaha waa arrin muhiim u ah xiriirka labada dal.

(8) Abaaraha:

Soomaaliya waxaa ka jira abaaro, dalka Imaaraadka waa dal lacag leh, waxaa uu awoodaa in uu gacan siiyo Soomaaliya, dalalka carabta wax kaalmo ah kama geysan arrimaha abaaraha, waa in la xusuusiyo kaalintooda ku aadan abaaraha dalka ka jira.

(9) Maalgashiga:

Imaaraadka waa uu maalgeshi ku sameeyaa dhammaan qaaradaha adduunka, laakin inta badan waxaa uu la tacaamulaa dowladaha, Farmaajo waxaa la gudboon in Imaaraadka uu la galo heshiisyo toos ah, kana hor istaago heshiisyada ay la galaan maamul goboleedka dalka ka jira, waa in Muqdisho iyo Abu-Dhabi ay toos u wada xiriiraan, Maalgeshina uu noqdaa mid umadda ka wada faa’ideysato.

(10): Dhismaha Ciidanka Soomaaliya

Imaaraadka waxaa ay qeyb ka qaadaan karaan dowladnimada Soomaaliya, waxaa ay Soomaalida ka gacan siin karaan dhismaha ciidanka qaran, arrintaas oo wax badan ka badali doonta sawirka laga aaminsan yahay Imaaraadka Carabta.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News