U bood dhigaalka

Farmaajo: Midnimo Ay Maamul Goboleedyada Iyo Somaliland Ku Jiraan Ayuu Dalka U Baahan Yahay..Meelna Lagu Gaari Karaa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Isniintii ka hadlay midnimada iyo sida dadka loo kala dili kara midnimo la’aanta.

Xilli uu saxiixayey xeerka Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxaa uu yiri“Midnimada waa muhiim,  waxaa weeye waa khad gaduudan oo la-mari karin qof walba oo Soomaali ah waa inuu u taagnaado midnimada, maxaa yeelay haddii aysan midnimo laheyn qolooyinkaan beesha caalamka ah iyo cid walba oo Soomaaliya dano guracan ka leh meel ay ka soo galaan ayeye helayaan, markaan isku duubannahay,  markii ciddii beesha caalamka wax natareyso, way natareysaa anaaga oo isku duuban marka aan ku dadaalno”

Maamul goboledyada oo ay Somailand ku jirto ayuu ka hadlay “ haddii ay tahay maamul goboleed iyo dowladda dhexe,  haddii ay tahay Soomaaliland oo aan raadineyno sidii aan ku soo celin laheyn inaan isku duubnaano, isku duubnaashahaas waa inuu ka bilaabato dowladda dhexdeeda, waa in ay ka bilaabato madaxweynaha iyo xukuumadda, xukuumadda iyo baarlamaanka, baarlamaanka iyo madaxweynaha iyo ururada bulshada Soomaaliyeed oo runtii qeyb weyn ka ah waxa qurxoon oo aan arkeyno hadda oo dalka uu hiigsanayo iyo ganacsata Soomaaliyeed oo labaatan iyo todobadii sano oo wadanka saan ahaa iyaga kaliya ayaa ahaa dadkii shaqeynayey oo shaqo abuurka lahaa oo horumarinta ka shaqeynayey”

Ugu dambeyntii, waxaa uu Mudane Farmaajo sheegayaa in isku-duubnida lagu gaaro meesha la rabo“ marka hadii aan isku duubnaano oo midnimo aan ka shaqeyno oo meesha ugu hooseyso aan ka bilowno waxaan aaminsanahay inaan gaareyno meesha aan dooneyno”.

Goobjoog News