U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Markii 2aad Muddo Bil Teleefan Kula Hadlay Sisi, Kana Dalbaday Taageerada La Dagaalanka Argigixisada

Sheeko:Dalka

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa arbacadii khadka Telefanka kula hadlay dhiggiisa Masar Cabdifitaax Al-sisi.

 Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyda arrimaha la dagaalanka argigixisada.

 

Madaxweynaha Masar waxaa uu dhankiisa carabka ku dhuftay sida Masar mar walba u garab-taagan tahay Soomaaliya iyo sida ay u ilaalineyso midnimada iyo qaranimada Soomaaliya iyo weliba sidii dib loogu soo celin lahaa amniga iyo xasiloonida.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku jira diyaar-garow la xiriira dagaal ka dhan ah xarakada Al-shabaab, isaga oo October 22keedii gobolka ku soo kala bixiyay booqasho uu ku tagay dalalka Uganda, Itoobiya iyo Djibouti, taasi oo qeyb ka aheyd dadaallada la xiriira dagaalka.

 

Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu sidoo kale dhiggiisa Masar la hadlay October 9, 2017 isaga oo kala hadlay taageero ku saabsan arrimaha amniga iyo xasiloonida iyo weliba la dagaalanka argigixisada.

Goobjoog News