U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Markii 2aad Safar Ugu Baxay Imaaraadka, Siyaasadda Arrimaha Dibadda Waa Nuxurka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa markii 2aad muddo 7 bil safar ku aaday dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in mar labaad uu madaxda Abu Dhabi kala hadlo xiriirka labada dal iyo sida la sheegay in ay ixtiraamaan madaxbannaanida dhul iyo dad ee Soomaaliya.

Warar ka soo baxay Villa Somaila ayaa sheegay in Farmaajo uu sidoo kale ka hadli-doono in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka, Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya mar bishii Ferbaayo uu booqasho ku tagay dalka Sacuudiga waxaa uu arrintan Imaaraadka kala hadlay Maxamed Bin Salmaan, kadib isaga ayaa Imaaraadka safar ku tagay April, xilligaas waxaa laga hadlaayey maalgeshiga Imaaraadka ee Dekadaha iyo saldhig Militari, balse haatan waxaa wehliya saameynta xiisadda Khaliijka.

Goobjoog News