U bood dhigaalka

Daawo: Farmaajo Oo Shacabka Uga Warbixiyay Nabadeynta Muqdisho, Dhismaha Dowladda Iyo Sida Soomaaliya Ku Noqon Karto Dal Afrika Ka Magacaaban

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta khudbad ka jeediyey banaanbax lagu taageerayey 100-ka maalin ee dowladda ayaa ka hadlay arrimo aad u badan oo ku saabsan sida loo taageersan yahay dowladdiisa, Midnimada, wada shaqeynta hey’adaha dowladda, hal-ku dhigga nabad iyo nolol, sida uu u soo xushay dad fiican, sida ay magaalada Muqdisho nabad ku noqon karto muddo 6 bil iyo ugu dambeyntii sida ay Soomaaliya ku noqor karto dowlad ka magacaaban qaaradda Afrika.

Ugu horreyn madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku amaanay shacabka Muqdisho sida ay u muujiyeen dowlad jacaylka, Soomaali isku keenista iyo taageerada mar walbo u hayaan dowladda.

MudaneFarmaajo waxaa uu hadal qaaday arrinta ku aadan wada shaqeyta dowladda isaga oo sheegay in dowladihii hore ay waxbadan ka barteen, islamarkaana ay ka go’an tahay iney horimariyaan wada shaqeynta, sida madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay madaxweyne Farmaajo  in ay ku soo celin doonaan Rajadooda ah Nabad iyo Nolol, wuxuuna tilmaamay in taasi ay saldhig u tahay iyadoo laga guuro danta shaqsiga oo loo guuro danta guud.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu keenay Ra’iisul wasaare isaga ka wanaagsan, taas oo ahayd ballan uu horey u qaaday, Ra’iisul wasaarahana keenay wasiiro ka wanaagsan, wasiiradana laga sugayo shaqaale iyaga ka wanaagsan waa sida uu hadalka u dhigaye. Wixii ay fuliyeen ayuu sheegay madaxweynaha iney kamid tahay amaanada sida la dagaalanka musuqa, dadka oo dhanna nolol wada helaan, wuxuuna tilmaamay in dalkaan Barwaaqada ka jirto ay gaajo uga seexdaan wiil ama gabar Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Afar Sano kadib Soomaaliya ay noqon doonto dowladaha ka magacaaban Afrika.

Mar uu ka hadlayey arrimaha musuqa la xiriira iyo dowladda wax uga qabatay, wuxuu sheegay in wax walbo oo dalka meeshan dhigay yahay Musuqmaasuq, isaga oo tilmaamay iney joojinayaan in lacagta shaqaalaha ay qof jeebkiisa aaddo.“ lacag aan ciidan iyo rayidkaba siino waan haysanaa, laakiin jeebado gaar ah ayay ku dhacada, jeebadahaa waan laalaabaynaa”

Cadaaladda waxaa uu ka hadlayey in 3-da bil ee soo socota uu soo celin doono isaga oo yiri”hooya danbe ooyimayso, guri shan jeer la xukumayo ma jiro doono, gaarsoorayaasha cadaalad xumida caadaystay xabsi ayay ku danbayn”

Aminga:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ka hadlay sida dowladdiisa ay xoogga u saareyso amniga,  shacabkana wuxuu ka codsaday iney u sheegaan xogaha meelaha dadka amni xumida wada ku dhuumanayaan si ay u sahlanaato in amniga wax laga qabto.
“Qof walbo oo Muqdisho ku nool ayuu sheegay madaxweynaha haddii shacabka ay soo sheegaan wax walbo oo amniga wax u dhimaya in 6 bil gudaheeda Muqdisho nabad noqon doonto” ayaa hadaladiisa ka mid ahaa.

Mudane Farmaajo oo amniga ka sii hadlaya waxaa uu yiri “Amniga wax kaligeen aan sameyn karno ma ahan, waa shaqo inoo wada taal, wuxuu ku xiran yahay idinka, ciidamada aan haysanno tiradooda waad taqaanaan, guri walbo iyo geed walbo ma istaagi karaan, meesha cadow ku jiro, meesha qofka qaran dumiska ku jiro idinka ayaa la idin ka rabaa inaad usoo sheegtaan amniga, amniga markaas ayaa laga rabaa iney qabtaan, waxaan uga mahadcelinayaa shalay degmada Waaberi miinadii ninka ku aasayey oo qof shaqsi ah oo reer Waaberi ah uu soo sheegay, haddii arrintaasi ay badato qof walba oo magaaladan deggan oo reer Banaadir ah oo xil iska saaro oo uu sheego kuwa guryaha ugu jira oo shar wadayaasha ah waxaan idiin sheegayaa in magaaladan Lix bil nabad noqoneyso”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu shacabka Soomaaliyeed u sheegay in uu ballan ku qaadnay oo dhaar u marnay xasiloonida magaaladan

“Waxaan kaloo idiin sheegeynaa annaga waxaan u taagannahay oo ballan u qaadnay oo dhaar u marnay xasiloonida magaaladan, xasiiloonida micnaheedu waxay tahay magaaladan bilicdeeda, quruxdeeda iyo sharafkeeda iney soo noqoto, iney la tartanto Nairobi, Addis Ababa, iney la tartanto caasimadaha aduunka, makula tartami karno iyadoo gaadiid qoryo culus saaran yihiin magaalada dhex marayaan oo shacabka lagu leynayo, qofkii askari ah oo qof shacab ah wax u geysta, waxaad ogaataa tiirkaa kuu dambeeya, maxkamad baa lagu saari, waxaa ku dambeeya haddii aad qof disho inaad tiirka istaageyso, ciidamada qalabka sida waxaad qalabka u sidaan shacabkiina inaad ilaalisaan” ayuu yiri madaxweynaha.

Goobjoog News