U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe Oo Baaq u Direy Dowladda Federaalka Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Faysal Cali Waraabe oo kamid ah siyaasiyiinta maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre iney ixtiraamaan heshiisyadii horey u wada gaareen Somaliland iyo dowladda Federaalka.

Waxa uu sheegay Mr. Waraabe in dowladda uu hoggaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud ay ku fashilantay fulinta heshiisyo horey loo gaaray, islamarkaana ay burburisay wadahadalladii Labada dhinac, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Siyaasigan ayaa sheegay in hadda loo baahan yahay in dib miiska wada hadalka loo fariisto, iyadoo tiir laga dhigayo wada hadalladii hore iyo heshiisyadii la gaaray.

“Kahor dowladdii Xasan Sheekh wada hadallada si wanaagsan bay u socdeen, markii uu Xasan Sheekh Yimid Labo qodob baa lagu heshiiyey weyna ka baxeen dowladdiisa, waxay ahaayeen in Labada dhinac wixii dhaqaale ah ee adduunka bixinayo ay qolo walbo toos u hesho iyadoo aan la siyaasadeen weyna ka baxday dowladdiisa, midda kalena waxa weeye middii Isgaarsiinta isna Tuyrkiga lagu galay, wax dano shaqsiyadeed ma jirine ee dhinacii Soomaaliya ayaan daacad ka noqon wada hadalladii, markii ugu dambeysayna wuxuu shirkaasi u burburay markii uu dad reer Somaliland ah ay inoo keentay dowladdii Xasan Sheekh, waxaan ka rajeynayaa in dowladda cusub ay isbedal keeni doonto oo ay ixtiraami doonto wixii horey loogu heshiiyey” ayuu yiri Faaysal Cali Waraabe.

Somaliland ayaa horey u diiddey iney wada hadal la gasho dowladda Federaalka,  kadib markii ay sheegeen in wada hadalka ay ka qeyb noqdeen wasiiro dhankooda kasoo jeeda.

Goobjoog News