U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe oo Ka Hadlay Aqalka Sare ee BFS iyo Dagaallada Gaalkacayo

Sheeko:Dalka

Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada magaalada Galkacayo, isagoo aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliyana ku tilmaamay mid aan loo baahneyn.

Faysal oo saxaafadda la hadlay maalinimadii shalay ayaa sheegay iney jiraan dad dano gaar ah leh oo doonaya iney awooddii Soomaaliya kula wareegaan aqalka sare;

” Soomaaliya waxaa jira koox yar oo Soomaaliyeed oo dooneysa iney Somaliland iyo Soomaaliya ra’yi ay leeyihiin dusha ka saaraan, waxay sameeyeen wax la yiraahdo guriga sare oo Soomaaliya u sameeyeen, raggaasi waxay ku tashadeen in Soomaaliya ay mardambe dagaal qaaddo, taasi waxa weeye waxaan suurtogal ahayn, Illaa kow iyo sagaashanadii  waxaa Soomaaliya nabad looga keeni waayay, waxa weeye qolaa intey kolba been soo abuurto, markay gudaha timaaddo beentii ay baaba’aysaa, maanta waxa weeye guri sare ayay yiraahdeen waan sameyneynaa oo 54 ah iyo Lix dowlad goboleed oo inagana ay nagu dareen, 54 ay yiraahdeen waa la sameynayaa sharci ma leh, waxay rabaan markay iyagu xeer sameystaan awoodda oo dhanna ay gurigaa keenaan, oo halkaa ay doonayaan iney Soomaaliya mar dambe qasanto;waxaan leenahay gurigaa hala baabi’iyo” .

Dhanka kale waxa uu ka hadlay dagaallada  magaalada Gaalkacayo oo uu ku baaqay in nabad lagu bedelo;

“Reer Mudug waxaan leenahay, Galmudug iyo Puntland ma naqaanee reer Mudug baad tihiine, Gaalkacayo Qudus maaha, Kashmiir maaha, waa Gaalkacayo oo waa la wada leeyahay, waa lagu wada dhaqnaa xad ha u kala sameynina macquul maaha xadbaa loo kala sameynayaaye isku daya inaad nabadda ka shaqeysaan inan iyo abtigii ayaad isku tihiine”.

Magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa ka bilowday 7-dii bishan dagaallo soo noqnoqday oo u dhexeeya maamullada Puntland iyo Galmudug, waana ku geeriyootay dad kor u dhaafaya 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tobanaan kale, iyadoo sidoo kale uu dagaalkani dhaliyay barakac baahsan oo ka dhacay guud ahaan magaalada, kaas oo lagu qiyaasay illaa  50,000(Konton kun ) oo qof iney magaalada ka carareen, waana sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada