U bood dhigaalka

Fikrad:  Oohinta Dumarku Xaqmiyaa?

Sheeko:War

Dhibaatooyinka ay la kulmaan haweenka Soomaaliyeed ayaa sii kordhaya waxaana xad-gudubyada ugu badan ee ay la kulmaan dumarka Soomaaliyeed  ka mid Kufsiga, dhaca, dhilka iyo waxyaabo kale oo lagu lakaco haweenka haba ugu darnaadeen xad-gudubyada kufsiga.

Horaantii biashan ayaaa arrintii ugu muraga badanee waxa ay ka dhacday gudaha magalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha Hoose kadib markii dil loo gestay haweenay uur leh oo ku ganacsanaysay magalada Marka taasi oo noqotay dhacdo ka yaabisay inta badan dadka Soomaaliyeed.

Haweenaydaan la dilay ayaa ka mid aheed ganacsatada yar-yar ee qudaarka ku iibaya marka waxaana kooxa hubaysan ay dil iyo dhacba u gaysteen xili habeena ayadoo kasoo adeegatay suuqa kuna sii jeeday hooygeeda oo ku yaala gudaha magaalada marka kadibna ay goobta iska baxsadeen kooxihii dilkaasi gaystay.

Ehelada marxuumada geeryootay ayaa sheegay in lakufsaday kahor inta aan ladilin sidoo kalana laga dhacay lacag ay kuwatay mobilka oo looyaqaano (Evc+plus) kadibna waxaa lasheegay in uu toogtay mid kamida ragii kufsaday oo aan haybtooda la aqoonin kuwaa oo goobta iskaga baxsaday.

Haweenaydaan geeryootay oo jirtay da’da afartanka (40) ayaa ifka kaga tagtay 9 caruura oo ay dhashay waxaana sidoo kale geeryooday kii tobnaad oo holosha ay kusiday kaasi oo sababsaday rasaata ay ugaystay hooyadii caloosha kusiday .

Waa mugdi iyo murugo soo wajahday qoys aan waxba galabsan kadib markii la dilay hooyadood oo biilka caruurteeda ka raadsanjirtay qudaar ay ku iibiso suuq yar oo kuyaalo gudaha magaalda  Marka balse  waxaa hada caruurteedii  ay dhibanayaal u noqdeen kooxahii dilka u gaystay hooyadood kuwaa oo ilaa iyo haatan aanay jirin cid wax ka qabatay mana jirto sidoo kale cid wax uqabtay caruurta iskuma qadadaa ee hooyadooda ladilay.

Kuma cusbo Soomaalida dhexdeeda kufsiga laakin arrinta layaabka leh ayaa noqoray dilka iyo kufsiga loogaystay haweenaydaan uurka leh taa oo kayaabisay qofkasta oo kadanqanayana dhibaatada lagu hayo haweenka soomaaliyeed.

Xad gudubyada loogaysto dumarka Soomaaliyeed ayaa sii kordhay waxaana sababta ugu badan loo tiiriyaa colaadaha, nuglaanta dumarka iyo wacyigalin la’aanta bulshada, tiiyoo ay sii dheertahay xanuunka iyo cudurada ay kaqaadaan taasi oo raad kureebta haweenka lakulma kufsiga sidoo kale waxaa intaasi sii dheer dhibaatada jirdilka, mida maskaxiyan soogaarta dumarka, mustaqbalkooda oo mugdi gala iyo bulshada qaar oo ay takoor kala kulmaan.

Q/W;  Ahmed-nor Mohamed Hassan . E-mail [email protected]

Goobjoog News, u soo dir fikradaada si loo daabaco, Email: [email protected]