U bood dhigaalka

Filippo Grandi, Madaxa Hey’adda Qaxootiga Adduunka Oo Kismaayo Iskuul Ka Furay

Sheeko:Dalka

Madaxa qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga aduunka Filippo Grandi  ayaa inta ay Kismaayo joogeen isaga iyo wafdigiisa  waxaa ay kormeer ku tageen xeryaha ay degan yihiin dadka ka soo laabtay xeryahay qaxootiga ee Kenya.

Dhinaca kale, Filippo Grandi, waxaa uu xarigga ka jaray Iskuul ay wax ku baran doonaan caruuta qaxootiga ah ee ka soo laabtay xeryahay Dhadhaab ee Kenya.

Wafdigaan ayaa waxaa loo gudbiyey guriga martida ee Juboland halkaasi oo ay kulamo kula qaateen madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe.

Kulanka markuu soo dhamaaday ayaa waxaa la hadlay warbaahinta madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uuna ka warbixiyey waxyaabaha ay isla afgarteen.

“ Waxaa sharaf weyn noo ah inuu nooyimaado madaxa hay’adda qaxootiga aduunka waana booqashadii ugu horreysay oo mas’uul noocaas ah uu ku yimaado deegaanka aan hadda joogno waan uga mahadcelineynaa isaga iyo wafdigiisa”.

Filippo Grandi oo dhankiisa sheegay in ay waajib tahay in la taageero dadka qaxootiga ee dalkooda ku laabanaya si beri iyagana ay umadda wax ugu taraan.

Booqashada madaxa qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ku soo beegmeysa iyada oo deegaannada Jubbaland ay ku suganyihiin qoysas badan oo qaxooti ah kuwaasi oo ka soo laabtay kenya