U bood dhigaalka

Footooyinka Oo Ay Saameeyeen Telefoonnada Casriga ah

Inaad hesho goob aad isku sawirto bari samaadkii  waxay aheyd tallaabo aan sahlaneyn  illeen waxaa faro ku tiris ahaa xarumaha la isku sawiro ee Footooyinka.

Dalka si weyn ugama hirgashaneyn xarumaha la isku sawiro ee Footooyinka oo faa’ido dhowr ah lagu qabay xilligaas, maadaama aysan jirin telefoonnada casriga ah kuwaas oo loo isticmaalo sawir iska qaadista .

Heerar kala duwan ayay soo martay Footada oo waayadii hore waxaa jirtay inta sawir lagaa qaado in uu kaa maqnaado in ka badan bil, taas oo suuro galisay in la helo goobo lagu kala nafiso, sida bilowgii soo if bixidda telefoonnada Caamirada leh .

Dalka waxa uu soo maray sanado si joogta ah looga helo magaalada goobo la isku sawiro oo aan ciriiri ka jirin, soo badashadooda ayaa sidoo kale sabab waxay u noqotay in Footooyinka iyaga qudhdhoodo is jabiyaan oo qiimihii sawirka lagu gali jiray iyo shaqadiiba ay hoos u dhacdo .

Hadda Footooyinka waxaa heysta shaqo la’aan baahsan oo xitaa waxaa dhacdo in Footada uusan imaan qof loo shaqeeyo inta badan xilliga shaqada .

Sababaha ay hoos ugu dhacday shaqadii Footada iyo saameynta telefoonnada casriga ah ee Smartiga Footooyinka ay ku yeesheen waxaa uga waramay Goobjoog Cabdi Xasan oo ka hadlaya hoos u dhaca ku yimid shaqooyinkoodii.

“Footada qaabkii ay u shaqeyn jirtay iyo qaabka ay hadda u shaqeyso isma lahan, qaabkii ay awal Footada u shaqeyn jirtay waxaa waaye in caruurta, gabdhaha iyo wiilasha dhammaan sawirro ayaa laga gali jiray, hadda sida ay u soo baxeen telefoonnada casriga ah waxaa yaraaday shaqadii Footada”.

Waxaa laga maarmay in la tago Footooyinka oo sabab waxaa u ah goobaha la iskugu yimaado ee bilicda haboon leh, dadka aan si fiican  u garan kaalinta Footooyinka waxay u badanyihiin dhallinyaro maadaama uu dalka burbur galay shaqadii Footadana aysan aheyn sidii hore.

Goobaha quruxda iyo indha qabadka wanaagsan leh ee Muqdisho sanadihii dambe laga hirgaliyay ayaa lagu sheegaa  xarumahaan  in ay sabab u yihiin dabar go’a ku dhacay shaqadii Footooyinka ay bulshada u qaban jireen .

Inta badan dhallinyarada uma baahna in ay tagaan Footooyinka sida ay sheegayaan da’yarta ku nool magaalada Mugdisho, da’yartaan  oo qaar kood Goobjoog la hadlay ayaa yiri:

“ Maanta halkaan waxaan u imaaday in aan sawir ku galo , Footada waxaa noogu dambeysay sanadkii 2010 kii, haddana sawirrada waxaan ku galnaa telefoonka Footada waxaa laga yaabaa in ay lacag badan iiga baxdo, balse telefoonka aniga ayaa leh lacag iiga bixi meyso”.

“ Noloshii dhameed sidii hore way ka soo guurtay waxaad arkeysaa meelihii lagu qaadi jiray sawirrada oo aad u sii yaraanayo “.

Shaqsi walba waxa uu nolol maalmeedkiisa  ku soo saartaa shaqo uu fahmayo micnaheeda tusaale waxaa jira dad ka ilma korsaday shaqada Footooyinka sawir qaadista iyo muuqaal sameynta ayay iskugu jirtaa shaqada Footada .

Marka laga tago sawirrada la iskaga qaado goobaha bilicda wanaagsan,  telefoonnada casriga ah  waxa ay saameyn shaqo oo aan wanaagsaneyn ku yeesheen shaqadii Footooyinka kuwaas oo dadka qaar ay ka raadsan jireen nolol maalmeedkooda.

Haddii aad maqli jirtay Footo Gacaltooyo iyo Walaalaha oo waagii hore caan ka ahaa magaalada Muqdisho marka la eego kaalinta Footooyinka, hadda waxaa badalay telefoonka loo yaqaanno Smartiga.

W/D:  Cali Aadan Muumin

W/Q Jaamac Cali Shidane