U bood dhigaalka

Gaadiidka AMISOM Oo Laga Mamnuucay Iney Maraan Wadada Makka Al-mukarrama Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu gaadiidka AMISOM kaga mamnuucay iney maraan inta badan wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidka AMISOM ayaa laga mamnuucay  iney maraan inta u dhaxeysa Taalada Sayidka illaa Isgoyska Banaadir laga bilaabo 6-da subaxnimo illaa iyo 12-ka habeennimo.

Sababta arrintaan ayaa lagu sheegay kadib markii ay soo bateen shilalka ay geystaan ciidamada AMISOM, iyadoo arrintani lagu wargeliyey laamaha amniga ee dowladda.

“Markuu arkay guddoomiyaha dhacdooyinkii iyo shilalkii soo noqday, waxaa gaadiidka AMISOM laga mamnuucay iney maraan Taalada Sayidka illaa iyo Isgosya Banaadir” ayaa lagu yiri wareegtada.

Tani ayaa imaaneysa xilli gaadiidka AMISOM ay wadadan ku jiireen dad shacab ah, soona noqnoqday shilalka ay ka geystaan wadadaasi.

Goobjoog News